141 Soomaali ah oo la xiray

Soomaalia
Image caption Soomaali qaxooti ah oo ka soo cararay dagaalka Soomaaliya

Ciidamada Booliiska ee kun sugan gobolka waqooyi ee Nampula ee waddanka Mozambique, ayaa xiray 141 qof oo Soomaali ah oo si sharci darro ah ku soo galay waddankaasi.

Dadkan Soomaalida ah ayaa la sheegay inay saarnaayeen laba baabuur oo ah noocyada waaweyn ee xamuulka.

Dadkan ajnabiga ah waxaa lagu soo qaaday laba loori. Waxa ay u muuqatay in baabuurtu ay wadeen ganacsi, sidaa waxa yiri Miguel Bartolomeu, oo ah sarkaalka dhinaca arrimaha bulshada u qaabilsan booliiska gobolkaasi oo u warrmayay telefishin madax banaan oo ku yaala Mozambique.

Sida uu sheegay Bartolomeu, Soomaalida sida sharci dararada ah ku galay Mozambique, waxa ku lug leg shabakad ka shaqeysa sidii dadka soo galootiga ah loo gudbin lahaa.

Darawaliinta waday dadkan soo galootiga ah ayaa isku dayay inay isticmaalaan jidad kale oo ay uga fogaanayaan goobaha ay booliisku ku baaraan gaadiidka.

Qorshe aan shaqeyn ayuu noqday tan iyo markii booliisku ay ogaadeen waxa ay darawaliintu sameeyaan.

Saciid Cumar oo ah mid ka mid ah darawaliinta, ayaa ka waramay sida loo siiyay tilmaamaha, in dadkan ay u socdeen Chimoio oo ah caasimadda gobolka bartamaha Mozambique ee Manica.

Inta badan dadka sida sharci darada waxay ay Mozambique u isticmaalaan dal ay sii maraan, iyagoo uga sii gudba waddanjka Koonfur Afrika.

Dadka ugu tirada badan ee muddooyinkan danbe halkaasi mara waxay yihiin Soomaali, oo tiradoodu sii kordheysay bilihii ugu danbeeyay, iyadoo boqolaal ka mid ah lagu qabtay gobolada dhinaca koonfureed.

Tiradana Soomaalida ah ee la qabtay ayaa ah tii labaad ee ugu balaarneyd muddo toddobaad gudaheed ah. 18 bishan November ayaa waxa la xiray 97 qof oo Solomaali ah, loo lagu qabtay degmada Murrupula.

Dadkaasi Soomaalida ee la qabtay ayaa waxa ay ku dhex jireen konteenar.