Soomaali lagu eedeeyay argagixisnimo dalka Maraykanka

Muwaadin Maraykan ah oo asalkiisa u dhashay Soomaali, ayaa dacwad lagu soo oogay gudaha dalka Maraykanka.

Waxaa lagu eedeeyay in uu isku dayay in uu isticmaalo hub waxyeelo wayn gaysta kadib markii booliisku dabin u dhigeen.

Wiilkaas Maxamed Cusmaan Maxamuud, oo 19 jir ah, waxaa lagu xiray magaalada Portland ee gobolka Oregan xalay fiidkii hore, isagoo markaas uun wacay telefoon gacanta, oo uu is-lahaa waxaa uu qarxin doonaa gaari bus yar ah nooca Van, oo ay ka buuxeen waxyaabo qarxa.

Sida ay sheegayaan dokumentiyo maxkamadeed bartilmaameedku waxaa uu ahaa xaflad furan oo la isugu iman lahaa si loo shido geedka ciidda masiixiga ee Christmas.

Fagaaraha, waxaa soo buuxin lahaa qoysas. Hase ahaatee, bomb-ku run ahaantii waxaa uu ahaa mid aan shaqeynayn, oo ay u soo dhiibeen askar dhar cad ah.

Waxaa la sheegay in markii Maxamed uu isku deyay in uu bomb-ka qarxiyo, ay ku soo boodeen oo xireen ciidan ka tirsan police-ka federaalka ah.

Hawl galka macmalka ah, waxaa uu soo bilawday bishii June kaddib markii askari dhar cad ah oo ka tirsan FBI-da uu ogaaday in Maxamed uu xiriir la leeyahay nin joogay dalka Pakistan oo la rumaysan yahay inuu ku lug lahaa hawlo argagixiso.

Askariga FBI-da waxaa uu la xiriiray wiilkas Maxamed, oo isagu sheegay in uu bartilmaadeed ka dhigtay xafladda geedka Christmas-ka ee lagu qabanayo fagaaraha Pioneer Courthouse ee magaalada Portland.

Maxamed Cusmaan Maxamuud waa Somali dhalashada Maraykanka qaatay, waxaana uu ku noolaan jiray magaalada Corvallis, oo dhinaca koonfureed kaga beegan Portland.