Mushaharooyinka madaxda Somaliland ayaa la go'aamiyay

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo
Image caption Mushaharka madaxweynaha waxaa lagu xaddiday inuu noqdo 11 kun oo dollarka Maraykanka ah bishii

Madaxweynaha Somaliland waxaa uu mushaharkiisu noqonayaa bishii 11 kun oo dollar. Madaxweyne ku-xigeenku waxaa uu qaadanayaa siddeed kun oo dollar bishii.

Guddoomiyeyaasha labada gole ee wakiillada iyo guurtida waxaa uu midkiiba qaadanayaa 2,100 dollar bishii. Afarta guddoomiye ku-xeen ee labada gole midkiiba waxaa uu yeelanayaa 1, 700 dollar.

Xubnaha ay ka kooban yihiin labada gole mid waliba waxaa uu yeelanayaa 1,250 dollar bishii. Golaha wakiilladu waxay kaloo go'aamiyeen mushahar kordhin shaqaalaha dowladda iyo ciidammada intaba.