Xarun Islaami ah oo dab la qabadsiiyay magaalada Portland

Xarunta Islaami ah oo uu ku dhex yaallo Masjid magaalada Portland ee gobolka Oregon ee Maraykanka ayaa dab la qabadsiiyay.

Cidna wax kuma noqon dabka oo aroortii hore ka kacay xarunta, waxaana gubtay xafiiskii xarunta.

Waxaa loo malaynayaa in ay arrintan la xiriirto caro ka dhalatay wiil Soomaali asalkiisu yahay oo loo xiray in uu isku dayay in uu qarax bomb gaysto.

Maxamed Cismaan Maxamuud ayaa la xiray Jimcihii.

Warbixintan ay arrintan ka qortay wakaaladda wararka ee Maraykanka AP, ayay ku sheegtay saraakiil ka tirsan ay aaminsan yihiin in dabku yahay mid si ula kac ah loo bilaabay kadib markii ay cadaymo ka heleen goobta.

Xukuumadda ayaa sheegtay in cidda dabka ka dambaysay tallaabo laga qaaday, ayna 10 kun oo doolar u ballaqaadeen ciddii keenta war horseeda xarigga dadka dabkaas bilaabay.

Maxamed Cismaan Maxamuud maanta ayaa maxkamad la soo taagayaa, iyadoo ilaa hadda loo malaynayo in uusan haysan qareen u dooda.