Burcad lagu xukumay soddon sano

Ciidamada badda ee Maraykanka
Image caption Ciidamada badda ee Maraykanka oo soo qabtay burcad baddeed

Maxkamad ku taalla Maraykanka ayaa nin soomaali ah ku xukuntay 30 sano oo xarig ah isagoo lagu eedaynayo inuu burcadnimo ka qayb qaatay meel u dhow xeebta Soomaaliya.

Jaamac Ibraahin ayaa la soo qabtay horaantii sanadkan, kadib markii uu ka qayb qaatay weerar lagu qaaday markab dagaal oo uu Maraykanka leeyahay iyagoo ku qaldamay inuu yahay markab xamuul.

Wali waxaa looo haystaa danbi kale wiilka, oo ah weerar lagu qaaday markab Denmark laga leeyahay oo la haystay laba bilood.