Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Shirka Teknolojiyada Mobileka ee lacagaha

Image caption kabalada fibre optica ee badda hoosteeda la dhigo ee soo gaaray xeebta Bariga Africa wuxuu suurto galin doonaa in la helo Mobile iyo internet raqiis ah

Shirkadaha gaarka ah leeyahay ee Isgaarsiinta iyo Xawaaladaha ayaa waxay noqdeen ganacsiyada ugu wayn ee ka abuurmay Soomaaliya markii ay burburtay dowladii Soomaaliya.

Shirkadaha Isgaarsiinta iyo Xawaaladaha ayaa adeegooda ay hadda aad iskugu soo dhawaanayaan, lacagta ay dadka isku diraan ayaa hada waxaa lagu diraa teleefoonada Mobilka.

Shir caalami ah oo looga hadlaayo technolajiyada mobileka ee lacagta la isugu diro ayaa ka socda magaalada Nairobi waxaa shirka ka soo qayb galay shirkadaha Isgaarsiinta iyo Xawaaladaha.

Wariyaha BBCDa Maxamuud Cali ayaa waraystay Cabdiqani Cabdi Jaamac oo khabiir ku ah Isgaarsiinta iyo Wasiirka Isgaarsiinta ee Puntland Cabdixakiin Axmed Guuleed.