Soomaalida oo dhinaca xeebaha ka gasha Mozambique

Qaxooti

Afhayeen u hadlay Booliiska dalka Mozambique, Pedro Cossa, ayaa sheegay in Kalluumaysatada dalkaas ay caawiyaan Soomaalida sharci darada ku gasha dalkaas.

Sida uu sheegay Pedro Cossa oo u waramay Raadiyaha dowladda Mozambique ayaa sheegay in doomo waawayn ay marka hore Soomaalida geeyaan xeebaha kadibna doomaha yar yar kaalluumaysatada wadataa ay Soomaalida daabulaan.

Safarka badwaynta ilaa dhulwaynaha Mozambique ayaa lagu sheegay in ay Soomaalida ku bixiyaan ilaa 3 kun oo doolar.

Afhayeenka Booliiska, ayaa sheegay in Soomaalida soo galootiga ah oo horay dhinaca dhulka ku gali jirtay Mozambique ay hadda ku galaan dhinaca badda.

Gobolka Waqooyiga ee Cabo Delgado ayaa ah meesha ugu wayn ee hadda laga galo dalkaas. Kadibna waxay u gudbaan gobolada Nampula iyo Zambezia, sida uu sheegay Pedro Cossa.

Wuxuu intaas ku daray in todobaadyadii la soo dhaafay xukuumadda Mozambique ay qabatay ilaa 300 oo Soomaali sharci darro ah, kuwaas oo intooda badan sheegtay qaxootinimo iyo in ay Mozambique ka raadinayaan fursado wanaagsan oo ay ku noolaadaan.