FIFA oo dooratay Ruushka

Koobka Adduunka
Image caption Koobka Adduunka

FIFA ayaa ku dhawaaqday in koobka adduunka ee kubadda cagta ee 2018 uu Ruushku marti gelin doono.

Go'aanka waxaa goor dhow looga dhawaaqay magaalada Zurick ee dalka Switzerland, halkaas oo ah xarunta FIFA.

Waxaa iyaguna raja weyn qabay Britain, iyo Spain iyo Bortuqiiska oo wadajir u marti gelin lahaa iyo sidoo kale Netherlands iyo Belgium.

Qatar ayaa ayaduna marti gelin doonta koobka adduunka sannadka 2022.