Weerar ka dhacay Eastleigh, Nairobi

Qarax
Image caption Goobta uu qaraxu ka dhacay oo ay askar nadiifinayaan

Ciidamada booliiska ee la dagaallama argagaxisada ee waddanka Kenya ayaa baaraya weerar ka dhacay magaalada Nairobi oo askari booliis ah uu ku dhintay.

Weerarka ayaa ka dhacay xaafadd ay Soomaalidu ku badan tahay ee Eastleigh, markii bam ama shey kale oo qarxa lagu tuuray baabuur ay wateen ciidamada booliiska Kenya.

Weerarka ayaa sidoo kale waxa ku dhaawacmay askari kale oo ka tirsan booliiska.

Sarkaal sare oo booliiska Kenya ka tirsan oo la yiraahdo Francis Mburu ayaa sheegay in ay baaritaan ku hayaan sababta ay arrintaasi u dhacday.