Booliiska oo raadinaya Hooyo Soomaaliyeed iyo carruurteeda

Anisa Abukar
Image caption Anisa Abukar

Boliiska Manchester oo la soo xiriiray BBC ayaa sheegay in Anisa Ibrahim oo Soomaali ah iyo laba carruur ah oo ay dhashay la la'yahay tan iyo horraantii bishii April ee sannadkan 2010.

Waxay degganayd Withington oo ka tirsan Manchester.

Carruurta Anisa la maqan waa Khaalid Abukar oo 5 jir ah Axmed Abukar oo saddex jir ah.

Booliisku waxay sheegeen in ay u cabsi qabaan nabad qabkooda.

Kevin Marriott oo ka tirsan booliiska dembiyada baara ayaa yiri: "Waxaan u baaqeynaa beesha Soomaaliyeed inay na soo wargaliyaan macluumaad kasta oo ku saabsan halkay ku dambeeyeen."

"Waxa laga yaabaa inay joogaan Birmingham, Leicester, Northampton, Southampton ama agagaaraha London. Ama dabcan, waxay joogi karaan meela kasta oo ka mid ah adduunka", ayuu ku daray.

Booliisku wuxuu codsaday in cid kasta oo macluumaad ka haysa meesha Aniisa iyo carruurteedu, ay kala soo xiriiraan booliiska Manchester taleefanka 0161 872 5050 ama Crimestoppers, oo ay si qarsoodi ah ay u wici karaan taleefanka 0800 555 111.

Booliisku wuxuu sheegay in uu aamminsan yahay in Anisa iyo carruurteedu aanay ku sugnay dalkan Britain.

Lama oga sababta keentay in hooyadan iyo labadeeda carruur ah la waayo.