Maxkamad la saarayo burcad-badeed iyo markab la qabsaday

Dacwad soo oogayaasha dalka Netherlands, ayaa sheegay in ay maxkamad soo taagayaan ilaa shan Soomaali ah oo burcadbadeednimo looga shakisan yahay, iyagoo loo haysto in ay afduubeen doomaha Raaxada oo Koonfur Africa laga leeyahay.

War ay soo saaray xukuumadda Dutch-ka ayaa lagu sheegay in shanta nin ay qabteen askarta Netherlands bishii hore kadib markii la sheegay in doon ay afduubeen iyo laba muwaadiniin Koonfur African ah oo saarnaa.

Waxay sheegeen in ay shan iyo toban qof oo kale oo ciidamadu ay xireen la sii daayay sababo la xiriira in la waayay cadayn ku filan.

Afduub Markab

Saraakiil dhinaca maraakiibta ah oo ku sugan dalka Bangladesh ayaa sheegay in markab sitay calanka dalkooda ay burcad badeed ka afduubeen koonfurta India.

Waxay sheegeen in markabka la weeraray kadib markii muddo dheer ay eryanayay burcad badeeda laga shakisan yahay in ay Soomaali yihiin meel ku dhow jasiiradaha la isku yiraahdo Lakshadweep oo laba ilaa sadex boqol oo kiilomitir u jirta xeebaha India.

Waxaa loo malaynayaa in burcaddu qabsadeen markabka maadaama isgaarsiintii raadiyaha ee markabka ay luntay.

Markabka oo ay saaran yihiin ilaa labaatan iyo shan badmaaxayaal u dhashay Bangladesh ayaa ku sii jeeday Europe iyadoo uu ka yimid Singapore, wuxuuna sii mari lahaa kanaalka Suez.