Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Soomaali lagu xiray Sweden

Image caption Sweden

Maxkamad kutaalla Sweden ayaa ku heshay laba nin oo Soomaali ah danbi ah in ay qorshaynayeen inay weerar isqarxin ah ay ku qaadaan Soomaaliya.

Maxkamad ku taalla magaalada Gothenburg ayaa dhagaysatay in nimankani ay u shaqaynayeen kooxda Islaamiyiinta ee Al-shabaab, oo hadda xukunta koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Nimanka ayaa lagu xukumay afar sano oo xarig ah, waxaa nimanka la soo qabtay horaantii sanadkan kadib markii uu boliiska uu sameeyay baaritaano.

Mid ka mid ah labada nin aabihii, Cali Mursal, ayaa BBC u sheegay in xukunka wiilkiisa uusan ahayn mid cadaalad ah oo uu ka qaadan doono racfaan.