In ka badan 120 Soomaali iyo Ethiopian tahriib wada galay oo la qabtay

Doonyaha dadka tahriibka ah qaada
Image caption Doonyaha dadka tahriibka ah qaada

Laamaha amniga ee dalka Kenya ayaa wada olole balaaran oo ay ku ugaarsanayaan tahriibeyaasha sharcidarrada dalka ku soo gaala oo bilahan dhow magaalada Mombasa ka dhigtay marinka ugu weyn ee ay sii maraan, iyagoo ku sii jeeda dalka Koonfur Afrika.

Magaalada Mombasa ee xeebta Kenya ku taal waxaa horey ugu xirnaa boqollaal tahriibeyaal ah oo u badan Soomaali.

Soomaalida ku nool magaalada Mombasa ayaa haatan dadaal ugu jira sidii arintan ay xal ugu heli lahaayeen.