Burcadbadeed Soomaali ah ayaa qafaashay markab ganacsi meel kun mayl ka baxsan biyaha Afrikada bari.

Burcad-badeed markab kale qabsatay
Image caption Burcadda maraakiibta qafaalata

Markabka xamuulka oo ah mid aad u weyn oo culayskiisu dhan yahay 70 kun oo tonne lana yiraahdo MV Renuar waxaa weerar ku qaaday burcad-badeed saarnaa labo doonyood kuna hubaysnaa qoryaha darandooriga u dhaca iyo garnayllada qoryaha laga rido. Ciidanka badda ee Midowga Yurub ka jooga aaggaasi waxay sheegeen in markabku uu isku-deyay in muddo ah inuu ka baxsado burcad-badeedda hase ahaatee ugu dambaystii ay soo fuuleen, maamulkiisana la wareegeen.

Markabka, oo ay saaran yihiin 24 shaqaale ah, waxaa uu haatan ku sii jeedaa xagga Soomaaliya.