NATO oo taliye cusub u magacawday ciidanka la dagaallama burcadda

labada taliye
Image caption Taliyihii hore Christian Rune oo xilka ku wareejinaya taliyaha cusub Michiel Hijmans

Ciidanka NATO ee la dagaallanka burcad badeedda Soomaaliya ayaa waxa la wareegay maamulkooda taliye cusub oo u dhashay waddanka Holland.

War qoraal ah oo laga soo saaray xaruunta taliska ciidamadaasi ayaa waxa lagu sheegay in toddobaadka dabayqaadiisi uu talyihii hore ee ciidamada Christian Rune, oo ka tirsanaa ciidamada badda ee Denmark uu xilka ku wareejiyay taliyaha cusub.

Taliyaha cusub ee ciidamada la dagaallanka burcad badeedda Soomaaliya Michiel Hijmans, ayaa xilka kula wareegay xaflad ka dhacday markab dagaal ay leeyihiin ciidamada badda ee Denmark dushiisa, oo la yiraahdo Esbern Snare, kaasi oo ku sugan koonfurta badda cas.