Muranka maamulka Dekedda iyo Xaaladda Muqdisho

Mid ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka ku meelgaarka ah ee Soomaaliya, ayaa ku eedeeyay madaxda sare ee dowladda ku meelgaarka ah Musuqmaasuq la xiriira maamulka ilaha dhaqaaluhu ka soo galo dowladda ku meelgaarka ah.

Xildhibaan Maxamed Jaamac Furux, oo xilligii hogaamiye kooxeedyada isaga iyo maleeshiyadiisu way maamuli jireen dekedda, ayaa eedaynta soo jeediyay kadib markii isagoo ay la socdaan maleeshiyo jufadiisa ah ay shalay galeen dekedda Muqdisho, oo uu sheegay in uu ka dalbaday in la joojiyo howlaheeda inta xal laga gaarayo muranka ka taagan xaq u qaybinta daqliga dekedda.

Wuxuu xildhibaanku sheegay in jufada madaxwaynaha loo dhiibay maamulka dekedda iyo garoonka diyaaradaha daqliga ka soo xeroodana ay iyaga qaataan halkii wax loogu qaban lahaa ummadda iyo dhismaha tas-hiilaadka magaalada Muqdisho.

Weriyaha BBC, Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa ka waraystay arrintan.

Wuxuu marka hore waydiiyay in uu ka warammo waxa cabashadiisu salka ku hayso?

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Hadaba, Maareeye ku xigeenka dekedda Muqdisho Axmed Cabdi Kaariye, oo BBC la soo xiriiray, ayaa eedaha uu xildhibaanku soo jeediyay beeniyay.

Wuxuu kaloo sheegay in aysan xirnayd dekedda oo howlaheedii ay sidii caadiga ahayd u wadato.

Weriyaha Maxamed Ibraahim Macalimuu ayuu uga waramay ugu horayn maareeye ku xigeenku xaaladda dekedda Muqdisho.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dhinaca kale, magaalada Muqdisho waxaa saaka ka dhacayay rasaas iyo madaafiic culus oo kooxaha mucaaradka iyo ciidamada dowladda oo ay wehliyaan kuwa AMISOM ku dhexmaray qaybo ka mid ah magaalada.

Goobaha caafimaadka, ayaan sheegin dhaawacyo la soo gaarsiiyo, iyadoo aan la xaqiijin karin tirada rasmi ahaan dagaalka ugu dhimatay ee rayidka iyo dhinacyada dagaalamaya toona.