Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

TFG oo baareysa heshiiska Saracen

Image caption Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Maxammed Cabdullahi Cumar

Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi, ayaa Addis Ababa kula kulmay Ra'iisal Wasaaraha Ethiopia, Meles Zenawi.

Waxaa kale oo uu la kulmay madax badan oo ka qeyb gashay shir ka dhacay Addis Ababa, oo ku saabsan nidaamka Federaalka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Maxamed Cabdillaahi Omaar, ayaa BBC u sheegay in hadda ka dib uu xiriirka Soomaaliya iyo waddammada gobolku uu ka duwanaan doono sidii hore oo uu ku salaysnaan doono is qaddarin iyo sinnaan mid waliba u madax bannaan tahay arrimaha iyada u gaarka ah.

Arrinta ku saabsan heshiis Saracen oo ah sharikad ammaanka qaabbilsan ay la gashay Puntland iyo TFG ayuu Omaar ku tilmaamay in ay dowladdu waddo baaritaan ay ku ogaaneyso sida ay wax u jiraan.

Heshiiska Saracen, waxaa walaac ka muujiyay Somaliland, Ethiopia iyo Mareykanka.

Dhinaca Dowladda Soomaalidana waxaa soo baxaya warar sheegaya in uu yahay mid aan Golaha Wasiirrada iyo baarlamaanka midna aan soo marin.