Soomaali maxkammad lagu saarayo Spain

Ciidama
Image caption Ciidamada Midowga Yurub ee la dagaallama burcad badeedda Soomaaliya

Maxkmadda ugu sareysa waddanka Spain ayaa ku dhawaaqday inay maanta maxkamadeyneyso laba nin oo Soomaali ah oo lagu eedeeyay inay qeyb ka ahaayen afduubka doon kalluumeysi oo laga lahaa waddanka Spain sanadkii 2009.

Labada nin ee Soomaalida oo la kala yiraahdo Cabdi Wali iyo Raage Geesey Xaaji, ayaa waxa qabtay ciidamada badda ee Spain kadib laba maalmood markii arrintu ay dhacday iyagoo ka tagayay xilligaasi doonta ay qabsadeen.

Waxaa loo qaaday dalka Spain halkaasi oo xabsi lagu hayay magaalada Madrid.

Doonta iyo shaqaalaha saarnaa oo ahaa 36 ayaa la sii daayay sanadkan horaantiisii markii laga bixiyay lacag madaxfurasho oo dhan afar milyan .

Dacwad oogayaasha ayaa sheegaya in Soomaalidan hadii lagu helo danbiga inay muteysanayaan xabsi gaaraya 222 oo xarig ah.