Xaalado baraf iyo qabow badan ayaa dhibaatooyin ku haya Yurub

Baraf dhibaato ku haya garoommada Yurub
Image caption Baraf dhibaato ku haya garoommada Yurub

qaybo ka mid ah yurub dadka safarka ah waxay galeen maalin kale o jaha wareer xoog lihi haysto, iyadoo baraf xoog leh oo dhacayaa uu dhaliyey in duullimaadyadii diyaaradaha la joojiyo. Britain oo ah halka ugu xun ee barafku saameeyey, ayaa garoommada dayuuradaha ugu waaweyn ee Heathrow iyo Gatwick iyo stanstead ay sheegen in ay duullimadyo badan joojiyeen ama ay dib u dheceen.

Garoommada dalal France, Germany, Spain iyo Denmark waxaa lagaga dhawaaqay hakadyo galay safarka dadka u diyaar garoobaya ciida kirismaska.

Garoommada Britain waxaa dhooban kumanaan rakaab ah oo ku go'doonsan oo xalay iska seexday dhulka airport-ka heathrow iyo gatwick ee London.

Andrew Teacher oo ka tirsan xafiiska duullimaadyada UK ayaa raalli gelin siiyey rakaabka caddilmay.