Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maalinta Boliiska Soomaaliyeed

Image caption Xafladda maalinta boliiska Soomaaliyeed

Taliyaha booliska DKMG General Cali Xasan Looyaan oo ka warbxinayay taariiqdii booliska, ayaa xusay in ciidan boolis ah oo ka badan saddex kun oo askari oo ay ku jiraan in sanadkan ay tababaro ku soo qaateen dalalka deriska iyo dugsiyo tababar oo ku yaalla gudaha dalka.

Taliyaha booliska ayaa sheegay in boolisku ay ka howlgalaan gobolo ka baxsan caasimadda oo si toos ah iyo si dadbanba ay howshooda ku hirgaliyaan.

Madaxweynaha Soomaaliya shariif Shiikh Axmed oo khudbad dheer u jeediyay ka soo qeybgalayaashii xafladda ayaa sheegay in ahmiyad weyn ay siinayaan dhismaha booliska waxaana uu ku booriyay booliska in sare u qaadaan aqoonta iyo anshaxa ciidanka si ay ugu guuleystaan waajibaadkooda.

Madaxweyne Shariif ayaa ugu baaqay in ciidanka ay joojiyaan isticmaalka waxyaabaha maanka dooriya isaga oo si gaar ah farta ugu fiiqay qaadka.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Cabdishakuur Shiikh Xasan Faarax oo isaguna hadal kooban ka jeediyay munaasabada, ayaa ammaanay kaalinta booliska isaga oo sheegay in boliisku yahay horseedaha nabadda hadii aan boolis jirinna ay ka dhigan tahay in aanu nidaam iyo kala danbeyn jirin.

Waxaa uu ugu baaqay booliska in ay dardargaliyaan howlaha horyaalla oo ay aminiga gudaha ee dalka si wanaagsan wax ugu qabtaan.