Ammaanka ayaa la xoojiyay Kenya iyo Uganda

bus
Image caption Baska la qarxiyay

Dalalka Bariga Africa ee Uganda iyo Kenya ayaa maanta sare u qaaday, dadaalada ay ku sugayaan ammaanka ka dib markii bas u socday Uganda uu xallay ku qarxay Caasimada Kenya ee NairobiBooliska Dalka kenya ayaa sheegaya in hal qof uu ku dhintay qaraxaas, qofkaas oo ay sheegayaan in uu ahaa qofkii siday Bombada Qaraxday.

Booliska waxay sidoo kale sheegayaan in bambada loo waday dalka Uganda. Qofka ayaa waxa uu ka soo jeeda dalka Tanzania.

Qaraxa oo ka dhacay goob bas laga raaco magaalo madaxda Kenya ee Nairobi ayaa qofka qaraxa sameeyay ayaa wuxuu bamka ku soo riday boorso ama shandad, kadibna markii la baaray ayay qaraxday intaan boorsada baska la saarin.

Mar sii horeysay ayaa boliiska Uganda uu ka digay inay qatar weerar ka iman karto kooxaha Alshabaab iyo kooxo ku xiran Al-qacida.

Madaxweyne ku xiggeenka Kenya Kalonzo Musyoko ayaa sheegay in boliiska uu baaritaan samaynayo.