Shabaab oo u hanjabay Uganda iyo Burundi

Shabaab
Image caption Qaar ka mid ah maliishiyada al-Shabaab

Dhaqdhaqaaqa islaamiga ee dalka Soomaaliya laga sameeyay toddobaadkan ee ay isku-biireen kooxaha Al Shabaab iyo Xisbul Islaam ayaa waxay ku hanjabeen inay weerarayaan dalalka Uganda iyo Burundi sababtoo ah ciidammada ay kaga qayb galeen xoogagga Midowga Afrika ka jooga magaalada Muqdisho.

Labadan kooxood, oo ku midoobay magaca Al Shabaab, waxay ka taliyaan qaybo badan oo ka mid ah dalka Soomaaliya, oo ay ku jirto dhul ballaaran oo ka mid ah caasimadda Muqdisho.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Wasiirka amniga guud ee dalka Burundi, Alan Gilaume, waxaa uu sheegay inay si weyn u qaadanayaan hanjabaaddaas, ayna ammaanka adkaynayaan inta lagu jiro ciidda masiixiga.

Laakiin afhayeen u hadlay police-ka Uganda waxaa uu hanjabaadda Al Shabaab ku tilmaamay hees oo kale, waxaana uu sheegay in Uganda ay leedahay sirdoon wanaagsan oo ka warqaba qorshaha Al Shabaab.