Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Wareysiyada Cabdiraxman Boreh iyo Af hayeenka Dowldda Djibouti, Cali Cabdi Faarax

Dorashooyinki madaxweynenimada Jahuuriyada Djibouti ayaa lagu wadaa in ay dalkaas ka dhacaan bisha April, sanadka soo scota ee 2011.

Dadka ku talojira in ay doorashadaas isu soo sharaxaan waxaa ka mid ah Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Booreh, oo ahaa gaacsade reer Djibuti ah, oo haatan dibadda u nool, kadib markii maxkamad ku taal Djibouti ay ku xukunay 15 sano o xarig ah.

Haddaba Cabdiraxmaan Booreh oo daarta Bush House BBC ku soo booqday toddbaadkan ayaa Yuusf Garaad uga waramay musharraxnimadiisa?

Dhinaca kale afhayeenka dowladda Djibouti, ahna wasiirka warfaafinta, isgaarsiinta iyo dhaqanka ee dalka Djibouti, Cali Cabdi Faarax, ayaa ka jawaabaya waraysigaas Cabdiraxmaan Booreh.

Wuxuu ku eedaynayaa in Cabdiraxmaan Booreh uu dambiile yahay. Wuxuu sheegay in xitaa dalalka dibedda qaar laga musaafuriyay.

Wuxuu kaloo tilmaamayaa horumarka ay Djibouti gaartay iyo sida madaxwaynaha hadda xilka haya uu ugu dadaalay dalka Djibouti.