Man U oo hogaanka haysa inkastoo aysan badin

Ryan Giggs Manchester United

Kooxda Manchester United ayaa dib ugu soo laabatay hogaanka kadib markii muddo gaaban ay Man City horkacaysa iyadoo 28 dhibcood leh.

Manchester United iyadoo aan ku guulaysan cayaarteedii xalay ayay hadan isku dhibco noqdeen Man City balse ay dhinaca goolasha ka horaysaa.

Manchester United waxay xalay ay ka badin waysay kooxda Birmingham oo garoonkeeda lagu cayaarayay.

Qaybtii hore ee cayaarta Manchester United way ku adkaatay in ay wax gool ah daba marsiiso goolhaye Foster ee kooxda Birmingham.

Ismari-waaga dhinaca goolasha oo labada kooxba waxba aysan dhalin qaybtii hore, ayaa soo gabagaboobay daqiiqadii 58 ee cayaarta xilligaas oo kubadda uu ku helay bartamaha diilinta sideed iyo tobanaan uu cayaaryahanka Dimitar Berbatov ee kooxda Manchester United uu ku hubsaday shabaqa kooxda Birmingham.

Waxay cayaartu noqotay Birming 0-1 Manchester United.

Manchester United, ayaa goolkaas ku hogaaminaysaay cayaarta, iyadooba loo qaatay in ay ku guulaysatay hal iyo eber oo sadexda dhibcoodba qaaday, ayaa sagaashankii daqiiqo oo ilbiriqsiyo ka dhiman yihiin uu gool laga doodi karo dhinaca ka dhigay goolhaye Van der Sar cayaaryahanka kooxda Birmingham Lee Bowyer.

Cayaartuna goolashaas ayay ku soo gabagabowday oo 1-1 ayay isla dhaafi waayeen labada koox. Manchester United oo aan wali laga badin intii kulanka socday, ayaa cayaartan ay tahay tii 8-aad ee barbaro ay gasho. 8-da barbardhac 7 ka mid ah waxay gashay iyadoo koox kale marti u ah.

Manchester United way ka fursan wanaagsan tahay kooxda Man City ee hadda ay isku dhibcaha yihiin maadaama 18 kulan ay dheeshay halka Man City 20 kulan ay cayaartay.

Manchester City 4-0 Aston Villa

Dhinaca kooxda Manchester City, waxay si xoog leh ugu awood sheegatay kooxa Aston Villa.

Waxay ka dhalisay goolal badan.

Goolka koowaad wuxuu ahaa rigoore uu laaday, dhaliyayna cayaaryahanka Mario Malotelli.

Kadibna intaan la gaaray dhamaadka qaybta hore ee cayaartan, ayaa Manchester City laba gool oo kale ay dhalisay. Lescott ayaa daqiiqadii 13-aad goolka labaad dhaliyay, waxaana u sadexeeyay mar kale Balotelli.

Qaybta labaad oo la isugu soo laabtay iyadoo Manchester City ay leedahay 3 gool, iyo Aston Villa oo aan waxba dhalin ayaa toban daqiiqo kadib goolka afaraad uu yimid.

Wuxuu ahaa rigoore uu dhaliyay mar kale cayaaryahanka Mario Balotteli.

Sadex gool ayuu Balotteli kulanka ka dhaliyay. In muddo ah ayay sidaas ku haysay Man City hogaanka inkastoo barbardhaca Man U uu keenay in goolal ay uga sare marto kooxda Manchester United.

Labadan koox waxaa dhibcaha xagooda soo wehliya kooxda Arsenal oo xalay Chelsea kaga adkaatay 3-1, waxayna leedahay 35 dhibcood.

Tottenham 2-0 Newcastle

Kooxda Tottenham ayaa soo gashay booska kaalinta afaraad oo Chelsea ka riixatay inkastoo ay hal cayaar dheer tahay.

Kooxda Tottenham, waxay xalay 2-0 uga badisay kooxda Newcastle.

Labada goolba qaybtii labaad ayay dhalisay Tottenham.

Goolka hore Lennon ayaa daqiiqadii 57-aad u saxiixay.

Waxaana daqiiqadii 81-aad u labeeyay Newcastle cayaaryahanka Tottenham ee Bale.

Tottenham waxay dheeshay 19 kulan waxayna leedahay 33 dhibcood.

Cayaaraha kale

Image caption West Ham

West Ham 1-1 Everton.

Blackburn waxay 3-1 uga badisay kooxda West Brom oo waliba gurigeeda ay ugu tagtay.

Blackpool waxay ka adkaatay kooxda Sunderland oo 2-0 ayay ku tuntay iyadoo wali marti ah.

Sidoo kale Fulham, ayaa iyadoo marti u ah kooxda Stoke kaga adkaaday 2-0.

Wali loolanka dhinaca hoose ee kooxihi ay ka cararayaan in aysan sanadka hoos uga dhici cayaaraha England Premier League, waxaa uu u dhaxeeyaa Wolves oo ugu hoosaysa iyadoo leh 15 dhibcood 18 kulan oo ay cayaartay.

West Ham oo ka saraysa 2 dhibic oo kaliya ayaa 20 kulan cayaartay, halka Wigan iyo Fulham ay wada leeyihiin 19 dhibcood balse goolashada lagu kala leeyahay ayaa kala badan oo Fulham ayaa goolasha lagu leeyahay ay ka yar yihiin kuwa lagu leeyahay kooxa Wigan. Sidaa darteed ayaa Wigan ay ka mid tahay sadexda koox ee ugu hoosaysa.