Maxkamadda hargeysa oo xukuntay lix Ruush ah iyo diyaaraddoodii

Image caption Diyaaradda Ruush-ka ee Hargeysa lagu qabtay

Gudoomiyaha maxkamadda gobolka Hargeysa Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan ayaa maanta ku dhawaaqay in Lix nin oo ruush ah ay midkiiba maxkamaddu ku xukuntay Min hal sano oo xadhig ah iyo min saddex million oo shiling Somaliland ah oo ganaax ah, lacgtaasoo u dhiganta shan boqol oo dollar midkiiba. Nimankan oo isugu jira duuliyaashii iyo shaqaalihii diyaarad qalab milleteri u siday Puntland oo 10kii bishan lagu qabtay Hargeysa , waxay kaloo maxkamadu xukuntay in dhammaan qalabkii milleteri oo ahaa direys iyo boojajka rasaasta iyo miinada lagu qaato in lala wareegay . Diyaaradda oo ah nooca xammuulka ee Antanov 32 waxaa iyada lagu xukumay ganaax dhan 23 Million oo Shilinka somaliland ah oo u dhiganta afar kun oo dollar . Maxkamaddu waxay ogolaatay in xabsiga lixda nin lagu xukumay ay lacag ahaan ku beddelaan karaan. qareenka nimankan difaacaayay Khadar Maxamed Guuleed ayaa BBC-da u sheegay inaanay wax rafcaan ah ka qaadanayn xukunkan oo ay ku qanceen . Maxkamaddu waxay sheegtay in lagu helay duuliyaashan iyo diyaaradoodaba inay ku soo xadgudbeen hawada Somaliland, una sideen iyagoo qarinaayay qalab milleteri malleeshiyo cadow ku ah xuduuda Somaliland oo puntland lagu tababaraayo.