Soomaali lagu xiray Mozambique

Image caption Soomaalida qaxootiga ah ee taga Mozambique ayaa qaarkood dhinaca badda ka gala si qarsoodi ah

Masuuliyiinta waddanka Mozambique ayaa sheegay inay xireen boqolaal qof oo Soomaali iyo Ethiopian ah oo si sharci darro ah ku galay waddankaasi.

Afhayeen u hadlay ciidamada booliiska ee Mozambique, Inacia Dina ayaa sheegay inay xireen 700 oo qof oo u badan Soomaali kuwaasi oo doonaya magangalyo siyaasadeed.

Afhayeenku waxa uu sheegay in dadkaasi la isugu geeyay xero ku taalla gobolka Nampula ee waqooyiga dalka Mozambique.

Sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Mozambique, 521 qof oo soo galooti ah ayaa la qabtay dhawrkii maalmood ee ugu danbeeyay.

Dalka Mozambique ayaa waxa bilihii ugu danbeeyay ku qulqulayay dad ka kala yimid dalalka Soomaaliya, Ethiopia, Pakistan iyo Bangladesh kuwaasi oo la sheegay inay ka soo carareen dhibaatooyinka siyaasadeed iyo bulsho ee ka jira dalalkooda.

Dadkaasi sida sharci darrada ah ku gala Mozambique ayaa la sheegay inay qaarkood bixiyeen lacag gaareysa 3 kun oo dollar si ay u gaaraan Mozambique