Yemen oo masaafurineysa Soomaali iyo Ethiopian

Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Yemen waxay amartay in dalkeeda laga masaafuriyo dhowr boqol oo qof oo badankoodu ah Itoobiyaan iyo Soomaali, kuwaas oo la sheegay inay dalka Yemen sharci darro ku galeen.

Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Yemen war kale oo maanta ay ka soo saartay magaalada Cadan waxay ku sheegtay in ilaa 80 qof oo ah Afrikaan soo galow ah, oo u badan Itoobiyaan, ay ku qarraqmeen markii ay labo doonyood kula degeen xeebaha koonfureed ee dalka Yemen.

Shilalkaas waxaa sababay dabaylo xoogle oo dhacaya iyo Tsunami, sida ay sheegtay wasaaraddu.

Doonyaha mid ka mid ah oo sidday 46 qof oo Itoobiyaan u badan waxay ku degtay gobolka Ticis, halkaas oo dhammaantood ay ku qarraqmeen marka laga reebo saddex Soomaali ah oo ka badbaaday.

Doonni kale oo sidday 35-40 qof oo dhammaantood Itoobiyaan ah, ayna ku jireen haween iyo carruur, waxay ku degtay gobolka Lahij ee koonfurta yemen, wax ay ku dambeeyeenna weli war looma hayo.

Wasaaraddu waxay sheegtay in baadi goob uu socdo laakiin ma sheegin maalinta shilalku dhaceen.