Dowladda ku meel gaarka ayaa sheegtay in mucaawino soo gaartay

Image caption Markab mucaawino sida oo soo xirtay

Dekedda magaalada Muqdisho waxaa ku soo xirtay markab sida gargaar mucaawino ah oo la soo marsiiyay dowladda ku meel gaarka si ay wax kaga qabto abaaraha ba'an ee ka jira deegaanno badan oo ka mid ah dhulka Soomaalida ee maalmahan dambe ay ka soo yeeraysay qaylo dhaan ku saabsan biyo iyo baad yaraan. Dowladda ku meel gaarku waxay dhowaan magacawday guddi ka kooban afar wasiir oo loo xilsaaray gurmadka dhibaatooyinka abaaraha iyo kuwa xagga bani'aadanimada ee dalka ka taagan. Guddigan waxaa madax ka ah wasiirka macdanta iyo biyaha ee dowladda ku meel gaarka, abdirazak shiikh muxyaddiin. oo BBCda u sheegay inay soo gaartay mucaawino caalami ah oo dhowaan la qaybinayo.