Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Abaaro baahsan ayaa la sheegay inay ka jiraan gobollada Jubbooyinka

Image caption Abaarta dhulka Soomaalida ka dhacday

Iyadoo guud ahaan baaro baaxad leh laga soo sheegayo Soomaaliya, ayaa haddana laga sii dayrinayaa gobollo badan oo ka tirsan koonfurta oo ay ka mid yihiin gobollada jubboynka kuwaasi oo ahaa meelaha ugu dalag iyo biyo badnaan jirey.

Waxa haddaba magaalada Muqdisho shir jaraaid ku qabtay mudanayaal ka tirsan baarlamaanka dowladda kumeelgaarka ah oo ka soo jeeda gobolladaasi. Waxaana ka mid ah xildhibaan Maxamed Yuusuf Axmed. Weriyaha BBC ee Muqdisho, Maxamed Maxamuud Dhoorre ayaa weydiiyey xaaladda abaaraha ee ay ka hadlayaan. Dhegeyso waraysiga.