Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Mashruuca tamarta ee Djibouti

Image caption Madaxweyne Cismaaciil Cumar Geelle iyo Raiisalwasaaraha Japan

Teknolajiyada tamarta laga dhaliyo qoraxda ayaa horumar wayn uu ka gaaray caalamka.

Tamarta dabiiciga ee qoraxda laga dhaliyo ayaa ah mid deegaanka u fiican, dowladaha adduunkana waxay dadaaal ugu jiraan siday u maalgalin lahaayeen tamarta deegaanka u fiican.

Waddamada soo koraya ee qoraxda badan haysta ayaa waxay isku dayayaan inay ka faaidaystaan qoraxda ilaaheey ugu deeqay.

Dalka Djibouti ayaa noqday wadankii ugu horeeyay ee Geeska Afrika ee ay dowlad maalgaliso tamar qoraxda laga sameeyo.

Mashruuc tamarta qoraxda laga dhaliyo oo ay ku baxayso lix milyan oo dolar ayaa bilabanaya sanadkan a dowladda Japan ayaa ka caawinaysaa Djibouti inay samaysato tamarta qoraxda laga dhaliyo.

Saciid Ismaaciil Cawaale oo ka tirsan xarunta cilmi baarista Djibouti ayaan ka waraystay mashruucan ay Djibouti ku noqotay wadankii ugu horeeyay geeska afrika ee ay dowlad maalgaliso tamarta qoraxda laga sameeyo.

Berbera

Garoonka dayuuradaha ee magaalada Berbera ayaa dhowaan waxaa lagu kordhiyay qayb dadka rakaabka ka dhoofaya ay ku nastaan iyo qayb kale oo rakaabka soo degaya loogu talo galay.

Garoonka Berbera ayaa leh jidka ay diyaaradaha ka kacaan oo ah jidadka ugu dheer Afrika oo uu dhisay Maraykanka waqtigii dowladdii hore ee Soomaaliya.

Diyaaradaha waawayn ee rakaabka, xamuulka iyo milatarigaba way ku degi karaan garoonka.

Wariyaha BBC-da Axmed Saciid Cige oo booqday Berbera ayaa waxuu dhaqdhaqaaqa ganacsi ee garoonka diyaaradaha ka wareystay maamululaha garoonka dayuuradaha ee berbera Cabdiraxmaan Maxamuud Jaamac.