Muhaajiriin ku xayiran xadka Yemen iyo Sacuudiga

Ururka caalamiga ah ee muhaajiriinta adduunka ayaa sheegay kumanaan dad ah ay ku xaniban yihiin xadka dalka Yemen uu la leeyahay Sacuudi Carabiya.

Ururkan ayaa sheegay in uu ku howlan yahay dadaallo uu dib ugu celinayo dadkan oo u badan Ethiopian dalkii ay ka yimaadeen.

Madaxwa warbaahinta iyo isgaarsiinta ee hay'adda IOM, Jean-Philippe Chauzy ayaa BBC u sheegay in uu qadkan aad u adkaaday sanadkii la soo dhaacay, iyadoo ay ugu wacan tahay kacdoonkii mucaaradka ee waqooyiga dalka Yemen.

Wuxuu sheegay in waxa isbadalay ay yihiin xadka u dhaxeeya Yemen iyo Sacuudiga oo awal laga gudbi jiray in hadda ay adkaatay sababo la xiriira amni xumo iyo kacdoonkii mucaaradkii Houthi-ga. Kumanaan dad muhaajiriin ah ayuu sheegay in ay dhinaca Yemen ee xadka ku xaniban yihiin, IOM iyo hay'ado la shaqeeyana ay ku howlan yihiin sidii dadkan ay u caawin lahaayeen in meelihii ay ka yimaadeen ay dib ugu laabtaan.