Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Soomaali lagu waayay danbi Australia

Image caption Cabdiraxmaan Maxamed Axmed iyo Yacquub Kheyre

Cabdiraxmaan Maxamed Axmed oo labaatan iyo lix jir ah, iyo Yacquub Khayre oo labaatan iyo saddex jir ah ayaa lagu waayay danbi inay qorshaynayeen weerar lagu qaado saldhig milatari oo ku yaala magaalada Sydney ee Australiya.

Laakiin sadex nin oo kale oo mid ka mid ah uu yahay Soomaali ayaa lagu helay danbi inay qorshaynayeen inay qarxiyaal saldhiga milatri.

Xukunka saddexda nin ee danbiga lagu helay ayaa la sugayaa in lagu dhawaaqo.

Dacwadda nimanka ayaa socotay saddex bilood.

Madaxa Haya'da Soomaaliyeed ee Australiya Cumar Shire oo joogay dacwada ayaan ka waraysanay.