Poilice-ka Puntland oo hawl gallo ka wada gobollada xeebaha

Hawl galka ciidanka ammaanka Puntland
Image caption Hawl galka ciidanka ammaanka Puntland ka wadaan xeebaha

Ciidamada ammaanka Puntland ayaa hawlgallo ka wada degaannada xeebaha badda cas iyo badwaynta India kaas oo la sheegayo in lagu soo qabtay dad loo haysto inay ka tirsan yihiin ciidamadii dhowaan maamulka Puntland kula dagaallamay buuralayda Galgala. Saraakiisha dawladdu waxay sheegayaan in sidoo kale hawlgalkaas lagu beegsaday kooxo burcad-badeed ah oo dhulkaas ku sugnaa. Wasiirka amniga ee Puntland oo BBCda uga warramay hawl galladan waxaa uu sheegay in hawlku ahaa mid badda iyo berrigaba laga qaaday. Waxaana uu sheegay in ay qab-qabteen dad lagu tuhunsan yahay inay ka qayb galeen dagaalladii Galgala, kuwaas oo tiradooda uu ku sheegay saddex. Waxaa uu intaas raaciyay inay qaar kale weli daba joogaan.

Wasiirku wuxuu sheegay in meesha ugu daran ay tahay degmooyinka Baargaal iyo Xaafuun oo ay ku sugan yihiin burcad-badeed fara badan. Waxaana uu sheegay in gaadiid iyo adeegyo kale laga qabtay burcad-badeedda iyagiina ay badda ku carareen.