Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Ban Ki Moon oo ka hadlay arrimaha Soomaaliya

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki Moon, ayaa warbixin uu soo saaray todobaadkan ka digay wuxuu ugu baaqay bulshada caalamka in ay si deg deg ah xoog military iyo taageero kaleba u siiyaan dowladda ku meelgaarka ah si looga hortago wax uu ugu yeeray dagaalyahaniinta ajnabiga ah iyo kooxaha kale ee qarbudaada ku howlan in gobolka ay u rogaan meesha soo socota ee argagixisnimada caalamka ugu xoogga badan.

Si aan faahfaahinta warbixintaas wax uga ogaanno, ayaa BBC la xiriirtay Cumar Jaamaal oo ah xoghayaha koowaad ee guddiga Soomaaliya u fadhiya xarunta Qaramada Midoobay.

Warbixintan ayaa ah mid sadexdii biloodba mar uu xoghayuhu u gudbiyo golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Weriyaha BBC Mohamed Haaji Hussein, ayuu Cumar Jamaal uga waramay waxa ku qoran warbixintu.