Dowladda oo xirtay 10 qof oo u dhashay India

Image caption Dekedda magaalada Muqdisho

Ciidanka ammaanka ee dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa lagu waramay inay xireen toban nin oo ahaa shaqaalaha markab kuwa ganacsiga ah magaalada Muqdisho.

Sababta loo xiray shaqaalaha ayaa lagu sheegay inay tahay dhuxul uu siday markabkooda oo ka yimid dhinaca dekedaha Kismaayo iyo Merka.

Shaqaalaha ayaa wararku sheegayaan in laga dhex watay dekedda dhexdeeda oo ay kaxeysteen ciidamo ka tirsan qeybta CID ee dowladda.

Ciidamada xiray ayaa waxa ay sheegeen inay wataan amar ka soo baxay wasiirka arrimaha gudaha ee dowladda.

Arrintan ayaa wararku sheegayaan inay sababtay in ay istaagaan dhamaan hawlihii dekedda Muqdisho, oo ganacsatada Soomaaliyeed ay dalbanayaan sii deynta raggaasi.