Abaar ka taagan deegaano ka tirsan gobolka Hiiraa

Iyadoo abaaro ba'an laga soo sheegayo deegaanno kala duwan oo ka mid ah Soomaaliya, ayaa goobaha ugu daran ay waxaa ka mid ah tuulooyin ka tirsan degmada Mataan ee gobolka Hiiraan.

Tuulada Beer-Gadiid ee degmadaas, ayaa wararku sheegayaa in ay ka taagan tahay biyo la'aan ba'an kadib muddo sanad ka badan oo roob aanuu ka di'in ayna ugu sii darsantay ceelkii kaliya ee deegaankaas oo jabay.

Mas'uuliyiinta tuulada Beer-Gadiid ee galbeedka degamada Matabaan, Maxamuud Xuseen Weheliye ayaan waydiiyay in uu ka warammo heerka ay abaartu gaarsiisan tahay deegaanada tuuladaas.

Maxamuud Xuseen ayaa sheegay in dhibaato xoog leh ay dadka haysato. Wax xoogaa kaalmo aad u yar oo ka soo gaartay qurba-joogta ayuu sheegay in aysan waxba tarin.

Wuxuu ka codsaday in gacan laga gaysto sidii loola tacaali lahaa dadka ku dhibaatoobay abaaraha deeganaadaas ku habsaday.