Nin Zimbabwe u dhashay oo lagu dilay Galkacyo

galkayo
Image caption Magaalada Gaalkacyo

Koonfurta magaalada Gaalkacyo ayaa galabta waxaa lagu dilay nin u dhashay waddanka Zimbabwe.

Ninkaasi oo magaciisa lagu sheegay Jack, ayaa waxa uu ahaa nin xisaabiye ah oo u shaqeynayay shirkad dhinaca Kalluumeysiga.

Ninkaasi ayaa la sheegay inuu xabad ku dhuftay nin ka mid ahaa ilaalada shirkadda, oo la sheegay inuu baxsaday.

Lama oga sababta, laakiin waxaa la sheegay in ninka ajnabiga ah uu dhaawac culus gaaray kadibna uu ugu dhintay isbitaalka magaalada Galkacyo.

Masuuliyiinta maamul goboleedka Galmudug ayaa sheegay inay baadigoob ugu jiraan ninkii falkaasi geystay.