in ka badan saddex boqol oo qof oo ku dhintay fatahaado

Dadka dhintay badanaa waa dadka saboolka ah
Image caption Dadka dhintay ayaa waxaa u badan dad sabool ah oo degan guryo aan adkaysi lahayn oo ku yaala buuraha

Fatahaado badan ayaa qasaarooyin badan u gaystay koonfur bari Brazil, halkaasoo ay ku dhinteen in ka badan saddex boqol oo qof oo ay biyaha qaadeen qaarna ay dhiiqo ku soo duntay.

Dhiiqada ayaa ku soo duntay xaafad ay saboolka degan yihiin oo buuraha ku taalla ee u dhow magaaladda Rio de janeiro.

Dadka degan magaalada ayaa caawinaya shaqaalaha gargaarka oo isku dayaya inay dad ku go 'doonsan bur burka badbaadiyaan.

Laakiin gargaarka ayaa aad waxaa u daahinaya roobab iyo jidadka oo xirmay.

Madaxweynaha Brazil Dilma Roussef ayaa waxaa sugaaya shaqadii ugu waynayd tan iyo intii ay xafiiska la wareegtay,waxayna u qoondaysay boqollaal milyan oo dollar oo dib u dhis lagu sameeyo.