Rabshadaha Tunisia oo ka sii daraya

Rabshadaha Tunis
Image caption Rabshadaha Tunis ayaa socday bil, waxay dadka ka soo hor jeedaan shaqo la'aan, musuq maasuq iyo xoriyad la'aan

Iska horimaadyada dadka mudaaharaadaya iyo ciidamada ammaanka ayaa sii socda Tunisia.

Urur u dooda xaquuqda bini'aadanka oo saldhigiisu yahay Paris (international Federation for Human Rights League) ayaa BBC u sheegay in labaatan iyo afartii saacadood ee la soo dhaafay ay dhinteen laba iyo toban qof, iyadoo tirada guud ee dhimashada ka dhigaysa lixdan iyo lix.

Dowladda ayaa askar dhigtay jidadka si ay uga hortagto rabshadaha.

Dhalinyarada magaalo madaxda Tunisia ee Tunis ayaa kula dagaalamay ciidamada amaanka jidadka magaalada xalay, waxayna dab qabadsiiyeen dhismayaal iyadoo xalay ay dowladda sheegtay inaan waqtigaas la socon karin.

Baarlamaanka Tunisia ayaa qaban doono kulan deg deg ah maanta oo ay uga hadlaan dhibaatada.

Xaafadaha koonfurta Tunis ayaa saddex qof oo mudaaharaadaya boliiska ku dilay, rabshado badana waxay ka dhaceen tobonaan magaallo ee dalka.

Dadka banaanbaxaya ayaa waxay ka soo horjeedaan shaqo la'aanta iyo dowladda oo ay sheegeen inay musuqmaasuq tahay, xorriyadna dadka aysan haysan.

Madaxweynaha Tunisia Zine Abidine Bin Cali, ayaa cayriyay wasiirkiisii arrimaha gudaha, wuxuuna amray in la soo daayo dhammaan dadkii lagu xiray mudaaharaadka. Wuxuu kaloo amray in la sameeyo gudi baara musuqmaasuqa la sameeyo.