Abaar ba'an oo ka jirta deegaano ka tirsan Soomaaliya

Koox hogaamiyayaasha dhaqanka ah ee gobolada dhexe, oo uu horkacay Guddoomiyaha odayaasha caddaado, Cabdullaahi faarax Sandheere, ayaa soo eegay heerka ay gaarsiisan tahay abaarta saamaysay goobo ka tirsan gobolada dhexe.

Guddoomiyaha ayaa ka waramay dhibaatooyin ay indhahooda ku soo arkeen, iyado uu aad uga dayriyay xaaladda dadka iyo xoolaha ay abaartu saamaysay.

Weriyaha BBC Maxamed Ibraahim Macalimuu ayuu u waramay.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Weriye BBC, Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa sidoo kale la kulmay mid ka mid ah dadka abaaruhu soo barakiciyeen.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Waxaa soo baxaya dadaalo isxilqaan ah oo ay samaynayaan qaar ka tirsan qaybaha bulshada si wax looga qabto abaaro saameeyay deegaano badan oo ka tirsan Soomaaliya, taasoo dhibaato xoog leh ku haysa duunyadii, dad iyo xoolaba.

Iyadoo, abaarta oo xoogeedu yahay biyo la'aan maadaama roob uusan in muddo ah di'in, ayaa koox dumar u badan oo ku sugan magaalada Muqdisho, waxay booyado biyo ah gaarsiiyeen deegaano daafaha magaalada Muqdisho ah oo ay ku soo barakaceen boqolaal qoysas xoolo dhaqato ah.

Waxaa haweenka horkacaysay Ubax Tahliil Warsame.

Weriyaha BBC Maxamed Maxamuud Dhoorre, ayay uga warantay howsha gurmadka biyaha ee ay ku dhaqaaqeen.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Ubah Tahliil, waxay dadka wax haysta gaar ahaanna dumarka ugu baaqday in gacan ay siiyeen hooyooyinka Soomaaliyeed ee la diifaysan abaaraha ba'an ee saameeyay noloshooda.

Waxay sheegtay in ay aad u xanuujisay hooyo awoodi waysay in ay caruurteeda biyo u soo dhaamiso, oo ay ku qasbanaadeen in ay gurigeeda ugu geeyaan biyo.