Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Haween booyado biyo ah gaarsiisay dad abaar heshay

Waxaa soo baxaya dadaalo isxilqaan ah oo ay samaynayaan qaar ka tirsan qaybaha bulshada si wax looga qabto abaaro saameeyay deegaano badan oo ka tirsan Soomaaliya, taasoo dhibaato xoog leh ku haysa duunyadii, dad iyo xoolaba.

Iyadoo, abaarta oo xoogeedu yahay biyo la'aan maadaama roob uusan in muddo ah di'in, ayaa koox dumar u badan oo ku sugan magaalada Muqdisho, waxay booyado biyo ah gaarsiiyeen deegaano daafaha magaalada Muqdisho ah oo ay ku soo barakaceen boqolaal qoysas xoolo dhaqato ah.

Waxaa haweenka horkacaysay Ubax Tahliil Warsame.

Weriyaha BBC Maxamed Maxamuud Dhoorre, ayay uga warantay howsha gurmadka biyaha ee ay ku dhaqaaqeen.