Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Sababaha Puntland ay uga soo horjeedo Dowladda

Image caption Wasiirka Qorshaynta ee Puntland Daud Maxamed Cumar

Maamulka Puntland ee Soomaaliya ayaa si faahfaahiyey sababihii ay u joojiyeen wada shaqeyntii ka dhaxaysay dawladda ku meel gaarka ee Soomaliya. Todobaadkan ayaa fadhi uu yeeshay golaha wasiirada Puntland oo ka dhacay magaalada garoowe waxaa lagaga dhawaaqay go'aankii ay Puntland ka qaadatay dowladda Soomaaliya.

Wariyaha BBCda Axmed Maxamed Cali ayaa ka wareystay Wasiirka qorshaha iyo iskaashiga caalamiga Daud Mohamed Omar oo uu waydiiyey marka hore Puntland ma ka fakartay raadka uu yeelan karo go'aankii ay wada shaqeynta dowladda ku joojiyeen.