Caaqil lagu xiray Hargeysa

Boqor Raabi Yuusuf Cabdullaahi oo ka mid ah madax dhaqameedka deegaanka Hargeysa ayaa maanta ciidanka boliisku xabsiga u taxaabeen.

Taliyaha ciidanka booliiska Somaliland General Cilmi Rooble Furre ayaa BBC-da u sheegay in xadhiga boqorku ka dambeeyay markii buu yidhi uu aflagaado culus u soo jeediyay madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo, isagoo Boqorku ka hadlay xalay iyo saaka qaar ka mid ah warbaahinta Hargeysa ee madaxa banaan. Boqor Raabi Yuusuf ayaa ka sheegay warbaahinta in madaxweynaha aanay talo gacanta ugu jirin, balse dad ka sokeeyaa, siduu hadalka u dhigay ay taladii ku soo ururtay, wuxuuna ku baaqay in madax dhaqameedka somaliland talo isugu yimaadaan.