Qaramada Midoobay oo Deristay arrimaha Burcad-badeeda

Daraasad ay Qaramada Midoobay samaysay ayaa ku talisay in la kordhiyo tallaabooyinka ka dhanka ah burcad badeedda Soomaalida, kuwaas oo dunida galiyay qarash lagu qiyaasay ilaa todoba billion oo doolarka Maraykanka sanadkii.

Daraasadda oo uu sameeyay wasiir horay uga tirsanaa dowladda Faransiiska, Jack Lang ayaa lagu sheegay in burcad badeeda ay kordhinayaan weeraradooda.

Waxaa ay muujinaysaa in aasaasidda maxkamad ku dhisan sharciga Soomaaliya balse dal dibedda ah ku taalla in la sameeyo.

Waxaa kaloo ay leedahay ciidamada badda bulshada caalamka ee ku sugan badwaynta India waa in ay kormeeraan meelo ku dhow goobaha ay burcad badeedu ku dhuuntaan, isla markaana soo jiidasho dhinaca dhaqaalaha ah waa in loogu yaboohaa dhalinyada Soomaalida si looga weeciyo in ay ku biiraan kooxaha burcad badeeda.

Qaramada Midoobay ayaa sheegay in burcad badeeda Soomaalida hadda loo malaynayo in ay haystaa in ka badan lix boqol oo la haysta iyo lix iyo labaatan markab.