Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Waraysiga madaxwayne Cabdi Cumar

Madaxwaynaha dowlad deegaanka Soomaalida ee dalka Ethiopia, Cabdi Maxamuud Cumar, oo shalay magaalada Miniapolis ee dalka Maraykanka kula hadlay qaar ka mid ah jaaliyadda Soomaalida Ethiopia ee ku dhaqan halkaas.

Kulankiisa shalay ayaa sidoo kale waxaa jiray koox ku dibadbaxday oo ku doodaysa in uusan matalin gobolkaas oo uu dambi ka galay.

Waxaanu shalay la hadalnay qaybo ka mid ah dadka kulanka ka qaybgalay iyo kuwa diidanaa booqashada madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar.

Hase yeeshee, markan ayaanu madaxwaynaha laftiisa kala hadalnay dhacdooyinka la xiriira booqashadiisa Maraykanka.

Weriyaha BBC Maxamed Xaaji Xuseen, ayaa marka hore waydiiyay in uu ka warammo kulanka uu la qaatay qurbajoogta ka soo jeedda gobolka ee ku nool Miniapolis?