Qarax ka dhacay Moscow

Garoonka diyaaradaha ee Moscow
Image caption Garoonka diyaaradaha ee Moscow ayaa ka mid ah garoonada ugu dadka badan adduunka.

Wasaarada caafimaadka ee Ruushka ayaa sheegtay in Soddon iyo kow qof ay dhinteen, boqol iyo soddon qofna ay dhaawacmeen qarax ka dhacay garoonka diyaaradaha ee Moscow.

Masuuliyiinta ayaa sheegay, in qaraxa ka dhacay garoonka diyaaradaha Domodedovo ee Moscow inuu sababay qof isku qarxiyay meesha ay dadka imaada ay shandadahooda ka soo qaataan.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay inay arkeen qiiq baxaya, duulimaadyo badan oo imaanaya ayaa la daahiyay.