Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

20 sano ayaa buuxsan inta ay Soomaaliya dowlad dhexe lahayn

Maanta oo kale, 26-ka bisha January sanadkii 1991, muddo hadda laga joogo labaatan sano, ayaa madaxwaynihii Soomaaliya muddada dheer ka talinayay Maxamed Siyaad Barre jabhaddo hubaysan ay xukunkii ka tuureen oo uu isaga baxay xaruntii madaxtooyada ee astaanka u ahayn hogaaminta dalka.

Maxamed Siyaad Barre, ayaa dhowr iyo labaatan sano oo uu talada dalka hayay, wuxuu ku caanbaxay hal adayg iyo qab-wayni. Waxaa tusaale loogu soo qaadan karaa is afgaranwaagii dhexmaray dowladiisa iyo mid ka mid ah quwadihii todobaatameeyadii dunida ugu awoodda badnaa. Waa midowgii Sovieti. Mar uu ka hadlaya khilaafka wuxuu madaxwayne Maxamed Siyaad Barre yiri: