BBC waxay xireysaa 5 laamood

Bush House, hoyga BBC World Service
Image caption Bush House, hoyga BBC World Service

BBC ayaa ku dhawaaqday in ay xireyso shan laamood oo kala ah, Laanta Bortuqiiska ee la hadasha Afrika, Macedonian, Carrebean English, Serbian iyo Albenian.

Bishii October ee sannadkii tegey, ayay dowladda Britain ku dhawaaqday in ay miisaaniyadda BBC qeybta dibadda la hadasha ay ka dhimeyso 16%.

Go'aanka hadda lagu xiray shan laamood, wuxuu qeyb ka yahay tallaabooyinka la damacsan yahay in looga jawaabo is dhimidda miisaaniyadda.

Berri (Khamiis) ayay madaxda BBC la kulmi doontaa shaqaalaha si ay uga siiso faahfaahin laamaha la xirayo iyo shaqaalaha la dhimi doono.