Mudaaharaadyada Masar

Mudaaharaadyada Masar
Image caption Mudaaharaadyada Masar ee looga soo hor jeedo Dowladda

Boliiska rabshadaha ee Masar ayaa u isticmaalay gaaska ilmada dadka ka keena iyo biyo kumanyaal qof oo mudaaharaadayay maalintii labaad magaalada Qaahira

Ilaa shan boqol oo qof oo mudaaharaadayay ayay dowladda xirtay.

Wasiirka Arimaha Gudaha ee Masar ayaa u digay dadka ka qayb qaadanaaya mudaaharaadka dowladda looga soo horjeedo in sharciga la hor keeni doono.

Warbixin ay soo saartay dowladda ayay ku sheegtay, in mudaaharaadyo aan la ogolaanayn sharciga degdega ee lagu maamulo Masar awgeed.

Waxaa jira warar sheegaya in dad mudaaharaadaya ay ku soo noqdeen fagaaraha Tahrir Square kadib markii xalay laga kala eryay.

Mudaaharaadyadii shalay waxaa ku dhintay afar qof iyo hal boliis.

Barta internetka ee Twitter oo ay dadka isticmaalayaan inay ku qabanqaabiyaan mudaaharaadka ayaa ay dowladda Masar xirtay.

Dadka mudaaharaadaya ayaa waxay doonayaan is badal dhaqaale iyo Masar inay ka baxdo xukunka degdega ah ee lagu maamulayay sanooyin badan.

Waxay kaloo ka soo horjeedaan saboolnimada, musuqmaasuq, iyo shaqo la aan.