Burcada ha loola dagaallamo sida argagixisada

Burcad baddeed weerartay  Markab Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Askar badbaadinaysa burcad baddeed markab qabsatay

Taliye sare oo ka tirsan ciidanka badda ee Maraykanka ayaa sheegay in Maraykanka iyo xulafadiisu ay ku dhaqaaqi doonaan farsamooyin ay kula dagaallamaan burcad-badeedda ka hawl gasha dibadda xeebaha Soomaaliya.

Mark Fox oo ah taliye ku xigeen-ka ciidanka Badda ee Maraykanka, ahna taliyaha ciidanka Maraykanka gobolka ka jooga, waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in burcad-badeedda loola dagaallo sida Al Shabaab oo kale, lana kala jaro khadadka ay u soo maraan sahayda iyo lacaguhu.